Iskahorimaadka ayaa qarxay kadib markii booliiska Israel iyo dowladda ay u oggolaadeen kooxaha xag-jirka ah ee Yuhuudda inay booqdaan goobta
Ugu yaraan 14 Falastiiniyiin ah ayaa dhaawacmay Axadii markii booliska Israail ay ku duqeeyeen gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo bambo gacmeed dad kor u dhaafaya 100,000 oo qof oo cibaadaysanaya intii lagu tukanaayey masjidka Al-Aqsa oo ah maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.
Iska horimaadka ayaa qarxay kadib markii booliiska Israel iyo dowladda ay u oggolaadeen kooxaha xag-jirka ah ee Yuhuudda inay booqdaan goobta iyagoo hore uga xanibey iney galaan
Taliyaha Bilayska Jerusalem Doron Yedid ayaa sheegay in siyaasadu ay is badashay “iyada oo ay taageerayaan saraakiisha sare ee siyaasada.”
Yuhuudda waxaa laga mamnuucay inay ku tukadaan al aqsa dhexdeeda iyada oo loo marayo heshiis dheer oo dhex maray Israa’iil iyo mas’uuliyiinta Muslimka,
Saraakiisha islaamiga Waqf ayaa dib u dhigay salaadda subax ku dhawaad saacad Axadii, waxay xireen dhammaan masaajidada waxayna ugu baaqeen muslimiinta inay u istaagaan si looga hortago inay xagjiriintu galaan.
Kani waa xadgudub cad oo xagga fahanka ah oo jiray ilaa iyo 1967, waxaana loogu talagalay in la isku dayo in la muujiyo in Al-Aqsa aysan muslimiinta kaligood laheyn. Sidaa waxa sheegey Khaleel Assali, oo xubin ka ah golaha islaamiga Waqf.