Lionel Messi iyo Diego Maradona, waxay isku dhererintooda iyo is-garab dhiggooda waayahooda ciyaareed dood ka dhex abuurtaa taageereyaasha kubadda cagta oo ay ku jiraan halyeeyadii hore ee goob joogga usoo ahaa labadan xiddig ba.

Halyeeyadii kasoo garab ciyaaray Maradona qaarkood oo xilligan dambena daawadeyaal u ah Lionel Messi, ayaa rumaysan in Messi aanay jirin cid gaadhi karta, xataa Maradona, waxaana dadkaas ka mid ah Jose Luis Chilavert oo waqtigii uu Messi u ciyaarayay xulka Argentine isaguna Paraguay ka tirsanaa.

Sababta kaliya ee dadka qaarkii ay Maradona u sarraysiiyaan, waa guulihii uu xulka qarankiisa Argentine u qaaday oo aanu Messi wali samayn, laakiin dhinaca bandhigga garoomada gudihiisa wax kasta oo uu Diego soo sameeyey, waxa ka daba sameeyey Leo, kaas oo waliba ku darsaday koobab aanu waligii ku riyoonin Diego Maradona.

Jose Luis Chilavert ayaa rumysan in koobabka uu Messi aanay qaaday ay yihiin kuwo tiradoodu aanay soo gelin maskaxda Maradona, haddii la isku tiriyo wixii ay qabteenna ay yihiin wax aad u kala fog.

“Messi waa ciyaartoyga ugu wanaagsan adduunka oo dhan, shakina kuma jiro.” Ayuu yidhi Jose Luis Chilavert oo u warramayay idaacadda Rivadavia.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu u quus-gooyey Diego Maradona, waxaanu yidhi: “Maradona kuma guuleysanin boqolkiiba 1 waxa uu Messi haysto.

“Reer Argentine waa inay uga mahad-celiyaan Messi inuu doortay inuu u ciyaaro xulka qaranka Argentina iyadoo uu Spain u dheeli karayay, farxad ayay tahay inaad daawato isaga oo ciyaaraya.”

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here