Theo Walcott ayaa seegaya kulanka adag ee Merseyside Derby.

Xiddiga garabka uga ciyaara Everton ayaa qaliin looga sameeyay caloosha maalintii Isniinta, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado ugu yaraan muddo bil ah.

Warkaan waxa uu dhabarjab xoogan ku yahay Everton kuwaasoo isku diyaarinaya kulanka dag ee ay la ciyaarayaan kooxda deriskooda ah ee Liverpool ee 21ka bishaan ka dhacaya garoonkooda Goodison Park.

Waxaa sidoo kale kulankaan ka maqnaanaya Yerry Mina iyo Jean-Philippe Gbamin kuwaasoo dhaawacyo ay ku soo gaareen garoonka tababarka.
Walcott ayaa la rumeysan yahay inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa caloosha isagoo tababar ku jira iyadoo baaritaankii la sameeyay lagu ogaaday inuu u baahan qaliin.,

Morgan Schneiderlin ayaa isna dhaawac muddo dheer ku maqan iyadoo maqnaanshaha Walcott uu madax xanuun ku abuuri doono tababare Carlo Ancelotti kaasoo isku dayaya inuu Liverpool ka horjoogsado inay hanashada horyaalka ku dhex dabaaldegto Goodison Park

Reds ayaa fursad u helin doonta inay hanato koobka Premier League haddii Manchester City ay guuldarro ka soo gaartay Arsenal kulanka dib loogu daah furayo horyaalka Premier League 17ka bishaan Juun.

Laakiin tababaraha Talyaaniga ayaa ku farxi doona in dhaawacii soo gaaray Andre Gomes isbuucii la soo dhaafay inuusan halis u aheyn sidii markii hore laga baqayay.

Xiddiga khadka dhexe ayaa tartan ugu jira inuu taam u noqdo kulanka Merseyside Derby.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here